|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Ilaa iyo 5 Askari oo Isugu Jirta Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee dhawaantan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo maanta ka dhacay agagaarka Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad ee jidka Warshadaha.
Weerarkani Miino ee maanta lagu qaaday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa waxaa uu ka dhacay dhisme ku yaal agagaarka Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad, wax yar kadib markii uu dhacay Qaraxaasi ayaa la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowaladda in kastoo aan la’ogayn Qasaaraha ay geesatay risaastaasi.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Idaacadaha lokalka u Sheegen in Qarxaasi ay ku dhinteen 2 laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo 3 sadex Askari oo iyana katirsan Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay, kaasi oo la sheegay in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso,waxaana jiray dhowr Madfac oo lagu riday dhinaca Guul wadayaasha oo fariisin u ah Ciidamada Dowladda, lamana oga qasaarah ay gaysteen walow lasheegayo in Ciidamada Itoobiya ay iyagan dhowr Madfac ku jawaabeen.
Sidoo kale duhurnimadii maanta ayaa ilaa 4 Madfac waxaa lagu weeraray fariisin ay Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin dhismihii hore ee xayla Bariise iyo Warshadiii hore ee Baastada ee Degmada Yaaqshid.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen tiro Madaafiic ah oo lasoo ridey waloow aan la sheegi karin in ay ku dhacayeen Xeryaha Ciidamada Itoobiyaanka ay degen yihiin, isla markaana aysan saadaalin karin qasaaraha ay Geeysteen Madaafiidaasi lagu weerarey Ciidamada Itoobiyanka.
Falalkasi ayaa imaanaya xili saaka waaberigii ay Ciidamada Itoobiyaanka isku fidiyeen qeeybo ka mid ah Wadada Warshadaha, waloow aan la sheegin wax dad ah oo ay ku qab qabteen howlgaladaasi iyo wax dagaalo ah oo lagala hor yimid toona.
Arintani ayaa waxaa ay u muuqataa in ay jawaab u aheeyd tiro hoobiyeyaal ah oo xalay lagu weerarey Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga oo fariisin u ah Ciidamada Itoobiyaanka.
|